Center For Democracy and Governance

Warsaxafeed: Hambalyo Talaabo Dhinaca Horumar ah oo loo qaaday dhinaca dimuqraadiyada-

Anagoo ah, Xarunta dimuqraadiyada iyo maamul wanaaga ee Somaliland (Center for Democracy and Governance) waxaanu fursadan uga faaidaysanynaa in aanu mahadnaq guud u dirno dhamaan danayeeyasha dimuqraadiyada Somaliland ee sida wax ku oolka ah uga sheqeeyay in heshiis dhamaystiran laga haadho “27th February 2020” muranka doorashada ee mudada ina hadhaysay. Taas oo micna ahaan ina tusaysa in taalo wax ku oola hore loo qaaday si loo sii xoojiyo nidaamka dimuqraadiyada Somaliland. Marka ugu horaysa waxaan Mahad gaara u diraynaa gudididi ka koobneyd , culimada, odayada dhaqanka iyo ganacsatada , waxaan si gaara mahadnaq ugu diraynaa beesha caalamka oo uu hor kacaya Ambasador Nicolos Baralenga kaas oo masuuliyad gaara iska saaray sidii khilaafkan loo soo afjari lahaa doorashooyinka paarlamaanka iyo gole deegaana loo soo dooran lahaa sanada 2020 sida heshiiska ay dhinacyadu gaadheen kucad. Marka xigta waxaan u mahadnaqaynaa saddexda xisbi qaran KULMIYE, UCID iyo WADANI oo aqbalay qodobadii ay soo jeediyeen gudidia xalinta khilaafaadku kuwaas iyaguna masuuliyad gaara iska saaray sidii doorosho Somaliland uga dhici lahayd sanada 2020.

Marka la eegayo xeerarka dastuurkeena oo ku dhisan doorashooyin dimuqraadya haystana dawlad si dimuqraadiyada ku dhisan kuwaas oo ay is shabahaan wadamo badan oo Africa iyo Bariga dhexeba, hadana Somaliland mudooyinkii ugu dambeeyay waxay la kulmaysay qordoofooyin ku dhacayay hanaanka dimuqraadiyada Somaliland waxaana ugu muhiimsan in laga xuso:

Read More?

Click on the button below to download and read the full document.