Center For Democracy and Governance

Qabashada Doorashooyinka Golaha Wakiiladda iyo Degmooyinka Somaliland ee 2026

Xarunta Dimuqraadiyadda iyo Maamulwanaaga (CDG) waxay aad uga walaacsan tahay suurtagalnimada dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka Wakiiladda iyo Golayaasha Deegaanka ee Somaliland oo la qorsheeyay inay qabsoomaan bisha May 2026. Doorashooyinka oo si waqtiyeysan iyo hufan loo qabto waa lama huraan si loo xoojiyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland iyo si muwaadiniintu u helaan xuquuqdooda siyaasadeed.

Taariikh ahaan, doorashooyinka Somaliland waxay la kulmeen dib-u-dhacyo soo noqnoqday oo dhaafay wakhtigii dastuuriga ahaa, taasoo keentay jahawareer xagga hay’adaha ah iyo walaac bulsho. Si looga fogaado arrintan, CDG waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ay khusayso, oo ay ka mid yihiin Dowladda Somaliland, Guddiga Doorashooyinka Qaranka (NEC), iyo saddexda xisbi ee waaweyn—KAAH, WADDANI, iyo KULMIYE—inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii doorashooyinkaan loogu qaban lahaa xilliga loogu talagalay ee May 2026.

Read More?

Click on the button below to download and read the full document.